Amaanka Muqdisho oo faraha  baxay iyo cabsi soo wajahday dadka shacabka ah.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qeybo badan oo magaalada ka dhacayay dilal qorsheesan iyo qaraxyada miinooyinka hareeraha laamiga la dhigo.

Magaalada Muqdisho  waxaa shalay kaliya lagu dilay ilaa 8 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah, dilka  ayaana loo adeegsaday qarax miino iyo sidoo kale biskoolado si gaadmo ah loogu dilay.

Ciidamada booliiska iyo nabad sugida ayaa qeybo kamid ah magaalada hada ka bilaabay howlgalo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayo, waxa ay ciidamada baarayaan dadka iyo gaadiidka isticmaalaya koontaroolada qaar.

Xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu arkayaa ciidamo roondo ku jira kuwaa oo baadi goob ugu jira kooxaha falalka amaan daro inta badan ka fuliya magaalada Muqdisho .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com