Wiil Soomaali ah oo safar  Baskiil  ah ku tagay magaalooyinka Jigjigo iyo Boosaaso

Boosaaso (Aragti Cusub)-Magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari waxaa dhawaan tegay Naasir Gaas oo safar baaskiil ah muddo ku dhow bil kaga soo baxay magaalada Jigjiga ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Waa markii ugu horreysay oo qof Soomaaliyeed uu safar noocaas ah sameeyo kaasi oo  qaatay bilooyin.

Naasir ayaa mar uu ka hadlayay safarkiisa waxa uu sheegay in safarkiisa ay ku wehlinayeen saxaafadda caalamka kuwaa oo soo bandhigayay in isbaddalka dalka ee xagga ammaanka uu fiican yahay.

Waxa uu sheegay in safarkiisa uu qaatay 25 cisho, isagoo soo maray buuro, iyo goobo baadiyo ah oo miyi ah, sida uu dhawaan sheegay Naasir.

Naasir ayaa sheegay in magaalooyinka uu soo maray ay ku soo arkay dad beeraleey ah iyo kuwa xoolaha dhaqda asagoona kaga mahad celiyay qaabkii wanaagsanaa ee ay u soo dhaweeyeen.

Sefarada nuucaan ah ayey ku yaryihii Soomaaliya taasi oo loo aaneeynayo Amnidarada kajirto dhalka iyo wadooyinka oo ah kuwa aan Aad u bur-bursan.

 

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”