Switzerland: – nin Soomaali ah oo maseer udilay nin xiriir la`lahaa xaaskisi hore oo uu furay.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Fahad Shire Yasin ayaa lagu dilay magaalada Geneva ee dalka Switzerland sida qorey wargeyska 20 Minuten ee kasoo baxa dalkaas.

Sida uu sheegay wargeysku qoys deegaan ku ah magaalada Geneva ayey kusaabsantahay qisadani waxaana warbixinada la qoray lagu sheegay in ninka dilka geystay oo magaciisa yahey Mohamed Ahmed uu ka cadhooday xidhiidh jaceyl oo  lala sameeyay xaas ay kala tageen oo afar caruur ah uhaysa.

Dilka waxaa loo adeegsaday Tooreey, sidoo kalana Mohamed wuxuu dhibaato soo gaadhsiiyay xaaskiisii hore oo iyanah ladhigay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Geneva.

Ninkaan dilay muwaadinka soomaaliyeed sidookalanah dhaawac xaaskiisi hore ayaa da`diisa lagu sheegay 32-jir wuxuuna u shaqeynayay shirkad cunnooyinka dadka ugu geysa guryaha dadka .

Booliiska ayaa qabtay, waxeyna weydiin doonaan su’aalo la xiriira falka uu geystay iyadoo sharciga dalka Switzerland u yaalla uu yahay inuu wajaho xabsi inta u dhaxeysa shan ilaa 8-sano.

Ninkan wax dilay  ayaa lasheegay in dhawaan uu soo galay dalka Switzerland wuxuuna wajahi doonaa musaafuris marka uu dhameysto xabsiga.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”.