DFS oo  War kasoo saartay duqeyntii Idaacadda Al-Shabaab +Sawirro

 

Degaanka kuunya Barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose waxaa todobaadkii hore ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo loo geystayXarunta Idaacadda ku hadasha Afk Al-shabaab  ee Alfurqaan, waxaana todobaad kadib ka hadashay Dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka DAMAB ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaaslagu burburiyay Xarunta idaacadda Al-shabaab ee Alfurqaan sidoo kalena lagu dilay Saraakiil iuo Wariyeyaal.

Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen in Xiliga weerarka duqeynta Idaacada lagu bartilmaameysanayay Idaacadda uu ka socday Mid ka mid ah Barnaamiyyo lagu qaldo dadka shacabka,isla markaana Gudaha Idaacadda uuku sugnaa mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab iyo Wariyeyaal.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlayay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarka duqeynta lagu dilay wariyaal u adeega Al-Shabaab iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Duqeynta lagu dilay Agaasimaha Idaacadda C/Raxmaan Cali oo Magaca Afgarashada Al-shabaab looga garan og yahay khaashic , Wariye Axmed Dalmar Abuu Warsame iyo Wariye Maxamed Cali Aadan

Sidoo kale Duqeynta  DANAB waxaa ah sheegeen  in duqeynta lagu dilay Sarkaal lagu Magacaabi jiray Ismaciil dubud Shig shigow oo xiligaasi lagu wareysanayay Mid ka mid ah Barnaamijyada ka baxa Idaacadda.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa markii la duqeeyay Idaacadda wwxaa ay baahiyeen in Qalabka Idaacadda uu burbur soo gaaray, hayeeshee uusan jrin khasaaro nafeed marka laga reebo Saddex oo Shacab ahaa oo duqeynta ku dhaawacmay.

Nagala soo xiriir aragticusub@gmail.com