Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif sheekh Axmed oo Eedeeyay Madaxda Dawlada Federaalka

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa si adag uga hadlay Xaalada dalka, Gaar ahaan Shirka Dhuusamareeb, Wuxuuna cambaareyn usoo jeediyey Madaxda ugu saraysa Dawlada Federaalka  Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa face buugga ayaa u qornaa sidaan.

“Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.” Ayuu yiri Sheikh Shariif.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com