Dowlada Norwey oo taageero dhaqaale ku bixisay Waxbarashada Soomaaliya.

Muqdisho, Dowlada Norwey ayaa taageere dhaqaale ku bixisay sidii dib loogu lahaa dugsiyada waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Abdullahi Goodax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Norwey ka taageertay wasaarada Waxbarashada sidii dib loogu howlgali lahaa dugsiyada waxbarashada Gobolka Gedo.

Goodax bare ayaa uga mahadceliyay Dowlada Norwey taageerada ay ku bixinayso sidii ubadka Soomaaliyeed u noqon lahaayeen kuwi waxbarta.

Norwey ayaa dowlada Soomaaliya ku taageerta bixinta mushaarka shaqaalaha iyo waliba sidii dib loogu tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Oslo 

Info@aragticusub.com