Madasha Xisbiyada Qaran oo beeniyay in lagala Tashaday shirarka looga hadlayo doorashooyinka Dalka

War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee uu  hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa lagu xusay in uusan, jirin kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha doorashooyinka.

Madashu ayaa ka digtay muddo kororsi ay sameystaan golayaasha dowladda iyo in uu khilaaf dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka.

Madasha Xisbiyada ayaa madaxda uu shirka uga socdo magaalada Dhuusamareeb ugu baaqday inay qadariyaan marxalada dalka uu marayo, ayna u istaagaan xal u helida xaaladda siyaasadeed dalka ee murugeysan.

Guddiga farsamada iyo ka soo baaraandega tallooyinka la xiriirada doorashooyinka ayaa horay u sheegay inay la tashi la sameeyeen xisbiyada siyaasadda.

Hoos ka Akhri war saxaafadeedka madasha xisbiyada:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com