Dhageyso: Laamaha Amniga iyo Maamulka gobolka banaadir oo ka shiray Amniga Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan ka yeeshay Xaaladda Amni-darro ee ku soo korortay Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi.

Waxa goob-joog ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Magaalada  Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la bilaabo Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadr saalax xasan Cumar ayaa ka war bixiyay kulankaasi.