Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka yiri, dib u Furista wadooyinkii Xernaa ee Muqdisho?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda Muqdisho loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Ra’iisul Wasaare  Rooble ayaa ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen ayuu yiri Mudane Rooble ”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameyn doonoWadooyinka  kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ay ugu dhabar adeyggeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay kor u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com