boqol qof oo covid19 ugu geeriyootay Sweden

Tiro-koob cusub oo shalay la baahiyey ayaa waxa uu muujinayaa inay 102 qof haatan ugu geeriyootay dalka Sweden Caabuqa COVID 19.

Sida aynu ka soo xiganay, Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee dalkaasi (The Swedish Public Health Agency) waxay muujinaysaa in la helay Kiisaska cusub ee 400 oo qof oo la xaqiijiyey inay qaadeen Infekshinkaasi tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

Tirada Guud ee dadka ku nool Sweden ee la xaqiijiyey inuu ku dhacay Infekshinkaasi waxay haatan gaarayaan 3,447 qof.

Sidoo kale, 239 qof ayaa waxay ku jiraan Qeybta Daryeelka Khaaska ee “The Intensive Care Unit” ama ICU ee Isbitaalo ku yaalla dalkaasi, gaar ahaan Caasimadda Stocholm.

Wax ka yar Kala-bar dhamaan Kiisaska la diiwaan geliyey iyo in ka badan kala-bar dhamaan dadkii COVID 19 ugu geeriyootay dalka Sweden, waxaa la xaqiijiyey in laga helay Caasimadda dalkaasi ee Stockholm.

Ra’isul-wasaare Stefan Löfven waxa uu ka baaraan degayaa inuu Xayiraad ama Go’doomin ku soo rogo Caasimadda, haddii ay xaalladda Faafista Caabuqaasi noqoto mid si xun u sii faafta.

Caasimadda ka sokow, Dowladda Sweden waxay kaloo ka baaraan degaysaa haddii ay xaalladu lama huraan gaarto in xanibaad noocaasi oo kale lagu soo rogi doono Deegaanadda kale ee dalkaasi.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norwey.

Info@aragticusub.com