Kooxo Hubaysan oo Weraar ku qaaday Wariye Daad Faarax

Dagmada Halgan:9-27-2025 Koox hubaysan oo aan Haybtooda la aqoon ayaa weerar hubaysan ku Qaaday cawa fiidnimadii Guriga uu magaalada Halgan Ee Gobalka Hiiraan ka daganyahay Wariye Daad farah abdulle oo ka mid ahaa Sawir Qaadayaasha (Camra Man) warbaahinta SOM NEWS TV.

Waxaana Xusid mudan in Saxafi Daad Farah iyo Qoyskiisuba ay ka badbaadeen Weerarkan ay ku soo qaadeen Gurigooda Kooxdan Hubaysani walina aan la aqoonsan sababta ka danbaysay weerarkaani.

Daad Farah Abdulle oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in waqtiga weerarka lagu soo qaaday Hoygiisa uu ku guda jiray caawinta Xaaskiisa oo maalmo ka hor umushay ayna nabad qabaan Dhammaanba qoyskiisa iyo isaguba.

Saxafi Daad farah Cabdulle ayaa sheegay in isku daygaan dil iyo weerarkaan Qorshaysan ay ka danbeeyeen kooxda Argagixisada ah ee AS oo doonaya inay Aamusiyaan bulshada Soomaaliyeed iyo Bahdooda warbaahinta ee u dhaq dhaqaaqda soo gudbinta codka bulshada gaar ahaan inta Tabarta yar ee aan Codkooda la maqal.

Weerarkan isku dayga dil ee Cameraman Daad Farah Abdulle ayaa ku soo aadaysa iyadoo kooxda Argagixisada ah ee AS ay wacad ku mareen dilka qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed ee ka shaqaysa Goballada ay qayb ahaan Maamulaan Gobalka hiiraana uu qayb ka yahay.

Laamaha Ammaanka ee Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay wadaan Baaritaano ku aadan cida ka danbaysay weerarkan Cameman Daad iyo Qoyskiisa loogu gaystay Dagmada Halgan ee Gobalka hiiraan ayna baaritaan kadib warbaahinta la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa.