Wararkii ugu dambeeyayXiisado Colaadeed oo ka jira gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya  Ciidamada Galmudug iyo kuwa dawlada Federaalka oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna ay isku hor fadhiya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada  Galmudug iyo kuwa Dawlada Federaalka ayaa dhowr jiho ka go’ doomiyay Magaalada Guiriceel ee gopbolka Galgaduud’ Halka Ciidanka Ahlusunna  weli ku sugan jppgaan gudaha iyo banaanka magaalada Guriceel .

Wararka ayaa sheegay in Ciidanka Ahlusunna ay xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyeen  xaafadaha Magaalada Guriceel oo ay difaacyo xooggan ka sameysteen.

Sidoo  kale Dadkii deganaa degmada Guriceel ayaa isaga barakacay kuwaas oo ka cabsi qaba in uu saameeyn ku yeesho Abaabulka dagaal ee ka socda Halkaasi.