Dowladda Somalia oo War layaab leh ka soo saartey Xariga Wariye Abuuja

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay Xariga Wariye u xiran Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo sababta loo xiray.

War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur  Abuuja uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab,islamarkaana uu qeyb ka ahaa fal dil ah oo 6/3/2019 ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Wariye Maxamed  Cabdi Wahaab Nuur Abuuja oo horay uga soo Shaqeeyay Warbaahino kala duwan ayaa haatan ahaa Tifaftiraha Idaacadda Hiisgi,waxaana maalmahaan Ururada Saxaafadda iyo Wariyeyaasha Muqdisho ay wadeen olole ay ku dalbanayeen in la siidaayo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com