Al-Shabaab oo in ka badan 50 Ruux ku dishay dalka Mozambique

Booliska wadanka Mozambique ayaa waxaa ay sheegeen in Xubno ka tirsan Koox la Magac baxdey Al-Shabaab ay Tuulada Xitaxi ee Waqooyiga dalkaasi ku dileen 52 Ruux oo Shacab ahaa.

Afhayeenka Booliska dalka Mozambique oo lagu Magacaabo Orlando Mudumane ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in dadkaasi la dilay badi ay ahaayeen Dhalinyaro diiday inay ku biiraan Ururka Al-Shabaab ee ka Aas’aasan dalka Mozambique.

“Si naxariis darro ah ayaa 7 Bishaan loo dilay dadkaas, qaar waa la gowracay qaarna waa la toogtay waana wax lala yaabo Dowladda tallaabo ay kaga jawaabeyso ayay qaadi doontaa ayuu yiri”Afhayeenka.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka Shacabka ah gaar ahaan Dhalinyarada ku nool wadanka Mozambique inay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab ee ka Aas’aan dalkaas.

Majiraan wax sheegasho ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Booliska dowladda Mozambique ee ku Aadan dadka badan ee lagu dilay Waqooyiga dalkaas.

Koox la Magac baxday Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta Waqooyiga dalka Mozambique,waxaana la ogeyn inay xiriir la leedahay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya,iyada oo kooxdaas ay dilal dhowr ah ka geysteen dalka Mozambique.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com