Maamulka K/Galbeed oo cadeeyay sababta loo xiray Wariye Mukhtaar Catooosh

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay  Xabsi ku yaalla ku xiran Wariye Muqtaar Maxamed Catoosh oo Idaacadda Voa-da uga warama deegaannada Koonfur Galbeed,waxaana sababaha xarigiisa cadeeyey Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa sheegay in sababta loo xiray ay tahay in uu baahiyey War ku saabsan in Saddex Haween ah laga kufsaday inta u dhaxeysa degmada Walanweyn & deegaanka leego ee G/Shabeellaha Hoose,isla markaana mid kamid ah oo  Afar Sano jir aheyd ay ku geeriyootay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay daawadeen Warbixinta Wariyaha uu gudbiyey oo muuqaal aheyd,intaasi kadibna ay raadiyeen waxa kajira dhacdadaas balse  ay ogaadeen in uusan jirin kufsi ka dhacay inta u dhaxeysa Walanweyn  iyo leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shalay oo ku beegneyd 21 Bisha April Maxkamad la gorgeeyey,isla markaana la geliyey Xabsi KMG ah ilaa iyo Xeer ilaalinta Gobolka Baay oo soo dacweysay ay ka keeneyso Cadeymo ku fulin.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in uu Cadaalad heli doono Wariye Muqtaar Catoosh,waxaana Wariyeyaasha kale uu ugu baaqay inay ka fogaadaan Wararka been abuurka ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com