Maamulka Gobolka Banaadir oo fagaare ku gubay jaad farabadan

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir  Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa dibada xarunta Saldhiga Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Khaat ah .

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliye Yuusuf Xundubey iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaa Habeenkii xalay ahaa Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat.

Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay Khaat-ka.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed Tuulah oo warfidiyeenada goobta kula hadlay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka, maadaama lala dagaalayo Caabuqa COVID19.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com