Jaaliyada Soomaaliyeed ee -Norway oo kulan sagootin iyo casho ah u sameeysay Boqorka Shiribka Xuseen Nuuriyow.

Oslo:-Kulankaani oo ahaa mid si aad loosoo gaasimay islamarkaana ay ka soo qeeb galeen qeeybaha kala duwan ee jaaliyada soomaliyeed ee Norway ayaa lagu qabtay magaalada Oslo.

Kulanka aya daarnaa sagiitin iyo casho sharaf loo sameeynayay al-Fanaan Xuseen Nuuriyow oo dhawaan dalkii dib ugu laaban doono .

Waxaa kasoo qeeb galay haween, dhalinyaro, siyaasiyiin,aqoon yahano, iyo wariyayal meela fog uga yimid sagootinta Xuseen Nuuriyow oo jaaliyada kagajiro kaalin muhiim ah.

Madaxa qaban qaabada kulanka Gudoomiye Saiid Mohamed Sheekh ayaa kaga mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo qeeb galay sagootinta  Xuseen Nuuriyow iyo kuwii meelaha fog kaga yimiday si ay goob joog kaga ahadaan garab istaaga Boqorka Shiribka.

Fahriyo Mohamed oo ah gabar samafala ah oo siweeyn looga yaqaano bulshada dhexdeeda ayaa ka mid ahaa dadkii ka gayimid wadanka Talyaaniga waxeeyna sheegtay in ay ku faraxsantahay ka qeeb galka sagootinta Xuseen Nuuriyow .

Wariye Bashiir khaliif Gaani oo ka mId ahaa wariyaashii Taleefishinka Qaranka Soomaaliya oo qudhiisa ka yimid waqooyige Norway ayaa sheegay in markii lagu wargeliyay amabixinta fanaanka oo si deg deg ah usoobaxay waxuuna intaa ku daray in Xusheen Nuuriyow heesaa kaliya uu aheen lkn Bulshada wax weeyn kabaran dhaqanka iyo deegaanada dalka qaab suugaan ah.

Ugu danbeentii Al-Fanaan Xuseen Nuuriyow ayaa dhamaan umahad celiyay Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway kulanka cashada iyo amba-bixinta ay usameeyeen waxuuna ubalan qaaday in cid walba oo dalkii ku soolaabto oo rabo in uu wax kaqabsado uu albaab walba oo dowlada leedahay lagaraacidoono.

Halkaan Kadaawo Sawirrada