Gudoonka Golaha shacabka oo loo gudbiyay Mooshin ay saxiixeen in ka badan boqol Xildhibaan

Fadhigii 5-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta lagu qabtay Villa Hargeysa ee magaalladda Muqdisho.

Maalintii 2-aad ayeyna Xildhibaanada maanta ka wada doodeen Xeerka ku aadan Xubnaha Matalaada Gobalka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, iyadoo ay horey Guddiga Wadajir u qoondeeyey Matalaadda Gobalka Banaadir 7 kursi.

Kulankii maanta ayaa u muuqday mid aad uga duwanaa kulamadii hore, iyadoo ay 130 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka saxiixeen Mooshin Xasaasi ah oo ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golahaasi, Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal.

Mooshinka la gudbiyey ayaa ku aadan in Kuraasta Matalaada Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare ee BFS la gaarsiiyo 13-Kursi.

Xildhibaanadda waxay sheegeen inay muhiim tahay in Gobalka Banaadir la siiyo Kuraas la mid ah kuwa Dowlad-gobaleedyada ku fadhiyaan, maadaama ay tahay Caasimadda dalka, kuna nool yihiin Canshuur-bixiyayaasha ugu badan ee bixiya Lacagaha ay Hay’adaha DFS ku socodsiiyaan Hawlaha Qaranka.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda Cod u qaadaan Kuraasta Mataalaada Gobalka Banaadir laga siinayo Aqalka Saree e BFS, iyadoo rajo laga muujinayo inay Xildhibaanadda u codeyn doonaan kordhinta Tirada Kuraasta loo qoondeeyey Matalaadda Gobalka Banaadir.