Eedeeysane loo heystay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo lagu heshiiyay in la sii daayo

Cabdi  salaan Cabdi raxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la qisaasay, ayaa la go’aamiyay  in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ay ka heshiiyeen labada qoys.

Labada Qoys  ayaa ku heshiiyay  in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaana xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan.

Magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela, ayaa Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay, in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman Magta oo ah 25-Halaad, taasi oo lacag ahaan ku qiimaysan $12,500 oo Dollar.

Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaareen oo qoraal ah la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas ayaa Heshiiskaas ayaa Aqbalay islamarkaana laama Garsoorka Puntland Amray in la sii daayo xukumanaha maadaamaa labada Qoys ay ka heshiiyeen Arintaas.