Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  magaalada jabuuti kula kulmay madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa  ka war bixiyey, wuxuuna sheegay inuu u badnaa salaan, xogwareysi iyo in ay Jabuuti iyo horumarka ay gaartay soo booqdaan.

“Waxaan marka hore u mahadcelinayaa shacabka, Xukuumadda iyo madaxweynaha Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa oday Soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dagaan sharaf, karaamo iyo taariikh ku dhex leh” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa ugu muhiimsanayd in aan soo booqano, la tashano, guud ahaana Jabuuti horumarka ay gaartay u kuurgalno, kana codsano in wixii ay nalaqaban karaan Soomaaliya la qabtaan marxalad kasta oo ay u baahan yihiin”.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle ay isla soo qaadeen 20 guuradii ka soo wareegtay shirkii Carta iyo doorkii uu ka soo qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna xusay in kaalintiisii ay wali taagan tahay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com