Waa kuma shaqsiga uu Madaxweyne Farmaajo la doonayo Xilka Ra,iisal wasaaraha Cusub?

Madaxweynaha Dawlada Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  ku guda jiro Maalmihii ugu dambeeyay  ee  inuu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihii labaad tan iyo markii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre Ra,iisal wasaarihii hore Soomaaliya  iyadoo magacaabistan  Wasiirka Koobaad ee Xukuumaddu ay kusoo aadayso Xili Xasaasi ah oo Soomaaliya kusoo Wajahan yihiin Doorashooyin.

Madaxweyne Farmaajo  Waxaa la sheegayaa inay Arimo Siyaasadeed uu dib ugu dhigay magacaabista Ra,iisal wasaaraha,

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu jiro culeysyo siyaasadeed ,iyadoo  magacaabisa xilka Ra’iisul Wasaaraha ay ku qaadatay 28 maalmood, laga yaabo inay wax ku darsamaan, balse waxaa la hubaa in labada maalmood ee soo socota inuu magacaabo marka loo eego waqtiga yar ee uu heysto iyo kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo caqabadaha ku xeeran oo ay ka mid tahay doorashada.

Ra,iisal wasaaraha Cusub ee  la soo magacaabi doono waxaa horyaala Howlo adag  oo badan,

Hadaba waxa la hadal haayaa Siyaasi mudulood ah ooh ore xil u soo qabtay in loo magacaabi doono Ra,iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya balse shacabka  Soomaaliyeed waxa ay hadal hayaan ninka ugu miisaanka weyn oo dadka hadal haayaan Cali Maxamed Geeddi oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, lana aaminsan yahay inuu miisaan siyaasadeed ku leeyahaygobolka  Banaadir iyo qaar ka mid ah Maamulada dalka.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya Ruuxa Madaxweyne Farmaajo uu u soo magacaabi doono Ra,iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com