Madaxweynaha Jubland oo ku wajahan magaalada Garoowe

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo Isniin ah ku  wajahan Magaalada Garoowe

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa  xaqiijiyay Socdaalka Madaxweynaha Jubaland Axmed madoobe , ayaa sheegay in uu Garoowe u tagayo Wada-tashi ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sida la sheegayo kulan gaar ah ka yeelan doona sida loo wajahayo Xaaladda Siyaasadeed ee taagan Marxaladdan kala guurka ah ee Waddanku marayo.

Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulamo Wada-tashiya la qaadan doona Siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Garoowe, oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetaro

Puntland iyo Jubaland, ayaa ka maqnaa Shirkii u dambeeyay ee Dhuusamareeb-3 waxaana ay soo saareen War-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku sheegeen in aysan qayb ka ahayn Heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com