Dhageyso. Suldaan shariif Cali Xasan Ibraahim oo ku Eedeeyay Odyaasha 135 ee Koofur Galbeed in Beeshiisa ay ku xadgudbeen

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo ka Tirsan wax garadka ka soo jeeda Koofur Galbed Soomaaliya ayaa ku Eedeeyay Odayaasha 135 KoofurGalbeed ugu qaabislsan soo xulista Ergada iyo Xildhibaanada degaanada Maamulka Koofur Galbeed ay xadgudub weyn ku sameeyeen Beeshiisa.

waxaa uu sheegay in xaqii ay lahaayeen beesha uu isaga ka soo jeedo odayaasha 135 Koofur Galbeed ku matala soo xulista xildhibaanada uu ku maqan yahay isaga oo ku baaqay in dhammaan odayaashaas la bedelo ama gabi,aanba laga joojiyo in ay bsoo xulaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ku matalaya Koofur Galbeed

dhinaca kale Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim ayaa ku amaanay Madaxweynaha Koofur Galbeed kaalinta uu ka qaatay in Beeshiisa ay hesho kii kaga maqnaa Koofur Galbeed balse weli uu ka maqan yahay xuquuqdii ay ku lahayd Beeshiisa dhinaca Dawlada Dhexe