Xiisado ka Taagan Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka dib puntland oo ciidamo Halkaasi geysay

Wararka ka imaanaya Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa shegaya in Booliiska magaalada Badhan Shaqada laga joojiyay , waxaana Ciidanka Daraawiishtae dhawaan la geeyay Halkaasi  lagu amray in ay hawlgal xooggan ka bilaabaan gudaha magaalada, si loo xaqiijiyo Amniga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac laga laga dareemay.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Halkaasi la geeyay ayaa  sidoo kale lagu amray in ay magaalada ka nadiifiyaan astaamaha maamulka Somaliland, islamarkaana ay xabsiga dhigaan, haddii cid ka tirsan Somaliland isku daydo in ay soo gasho gudaha degmada Badhan.

Sidoo kale, waxa Ciidanka la faray in ay si adag ula dagaallaman dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga kuwaas oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Halkaasi.

Soomaalialnd ayaa maalmihii la soo dhaafay Diiwaan geli ka waday degaano ka Tirsan gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn  Taasi oo ka careeysiisay maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com