Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho aysan ka dambeyn Alshabaab

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii shalay Magaalada Muqdisho lagula beegsaday laba Xildhinaan oo hore, islamarkaana ka mid ah odayaasha  dhaqanka Mudullood.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa Tilmaamay in qaraxan aysan ka dambeysan Al-Shabaab, balse uu socdo beegsi ka dhan ah odayaasha beel gaar ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay inuu  maalmo ka hor uu ka digay miinooyinka soo booda oo Muqdisho lasoo dhoobay, taasoo la doonayo in lagu sameeyo  shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo

Qoraal uu Bartiisa Face Buugga Soo dhigay Xildhibaan |Mahadsalaad ayaa u qornaa sidaan”

“Duqowda Mudulood ee miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay miinooyinka wada la dhigo in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!,” Ayuu yiri Mahad Salaad.

Qaraxa shalay oo ka dhacay agagaarka Igoyska Beyxaani jidka u dhaxeeya Shibis iyo Kaaraan, islamarkaana ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Laba Xildhibaan oo hore oo lagu kala magacaabo Muxiyadiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraalle Caddaan.

Xaalada Caafimaad labadaasi Xildhibaano hore ayaa haatan ah mid wanaagsan , inkastoo ay qaraxa ku geeriyooday saddex askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax oo hadda ah Nabaddoon.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com