Deg deg laba Ruux oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa waxaa la sheegay in saaka xaafada Carwa-idko ee degmada wartanabada inay ku dileen laba Wiil oo dhalinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Weli macadda dhalinyarada la dilay waxa ay ahaayeen, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay arkeen meydadka labada dhalinyarada ah oo dhowr xabadood lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka,waxaana wlei jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xumaaday amaanka Magaalada Muqdisho, waxana shalay kaliya la dilay in ka badan 10  ruux oo ay ku jireen Nabadoono Caan ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com