DAAWO:-Jubbaland oo Ciidamo farabadan geysay Mandheera & Xiisad taagan

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Maamulka Jubbaland waxaa uu Ciidamo farabadan geeyey Magaalada Mandheera,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Cidiamo ka tirsan jubbaland oo looga awood roonaadey dagaal ka dhacay duleedka Beled-Xaawo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in Jubbaland ay Cidiamadaaas ka soo daabsuhay Magaalooyinka,Kisamayo,Dhoobleey iyo Afmadow,sida uu sheegay Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo.

Deeganada Balad Xaawo iyo Mandheere ayaa xiligaan laga dareemayaa xaalad kacsanan ah iyadoona dadki daganaa bilaaben nin ay iskagaqaxaan .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com