Madaxweynaha Galmudug oo kulan Muqdisho kula yeeshay qaar ka Tirsan Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa maanta tegay Hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheeikh Maxamuud, halkaasoo uu kulan kula qaatay Qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada Dalka.

Kulankan ayaa looga hadllay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii loo dhammeytiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb3.

Siyaasiyiinta kale ee kulankan kasoo dhexmuuqday waxaa kamid ahaa   Shariif Xasan Sh. Aadan,  C.raxmaan C.shakuur,   Sanbalooshe iyo Xubno kale oo ka tirsan Mucaaridka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Madaxda maamulada dalka, oo Shalqay ka qayb galay kulan qado sharaf ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullahi Farmaajo Madaxda maamulada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka Wadatashiga Dowladda Fedaraalka iyo maamulada Xubnaha ka ah ayaa la sheegay inuu Muqdisho ka Furmayo Maalinta Berri ah oo ku beegan 12 September.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com