War Deg Deg ah : Qof Isku soo Xiray Waxyaabaha Qarxa oo Isku Qarxiyay Magaalada Kismaayo

Wararka Ka Imaanaya magaalada Kismaayo Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Qof Isku soo Rakibay Walxaha Qaraxa uu Isku Qarxiyay Dad Ka soo ka Soo baxay Masaajid ku yaala Magaalada Kismaayo oo Saalada Jimcaha ay ku soo Tukadeen

Qaraxa ayaa sababay Khasaare Isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Dadkii Qaraxa lala beegsaday oo ahaa Dad shacab ah

laamaha Amniga Jubland ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay si ay ugu gurmadaan Dadka dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa iyo kuwa ku geeriyooday si ay halkaasi uga qaadaan

ilaa hadda lama oga Tirada rasmiga ah ee Dadka ku geeriyooday Qaraxaasi waxaase wararku ay sheegayaan in Ciidamada Jubland ee gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay halkaasi baaritaano ay ka bilaaben

Kala Soco Wararka Qaraxa Kismaayo Webka Aragticusub.com

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com