Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu aasay Magalada Garoowe+sawiro

Ra’iisal Wasaarihii hore ee  Soomaaliya Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa Maanta Aas Qaran loogu samaynaya Magaalada  Garoowe.

Aaska Qaran, waxaa ka qayb-galay Ra’iisal Wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda maamul  Goboleedyada Dalka, Siyasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xubno ka tirsan maamullka  Puntland iyo heer iyo dad weyne kale

Maydka Marxuumka ayaa ka hor intaan Garoowe la keenin, waxaa Salaad Janaaso lagu tukaday Magaalada Muqdisho, waxaana Saaladda janaasada ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com