Dhageyso :Wabiga shabeele oo Fatahaad ka geystay degmada Afgooye+Sawiro

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in daadad ka dhashay roob ka da’ay gobolka shbeelaha Hoose iyo fataahad uu sameeyay wabiga shabeele saameyn xooggan ay ku yeesheen Dadka ku dhaqan degmada Afgooye iyo Deganada kale ee hoostaga

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka degmada Afgooye Cabdilaahi  Xasan Cabdi oo u waramay warbaahinta Aragti cusub ayaa sheegay in tani ay tahay musiibo aan hore loo arag iyadoo biyaha roobka iyo tan wabiga Afgooye ay ku fataheen dhamaan degaanada Hoostaga Afgooye

Tuulooyinka uu Wabiga ku fatahay ayaa waxaa kamid ah,Jambaluul, Basro, Baqdaad, Sagaaladaad gaalwuri iyo Sabiid iyo Caanoole,waxaana sidoo kale xirmay oo meel loo maro la la’yahay Masaajidka weyn ee Isbaheysiga ee degmada Afgooye iyo Isbitaalka degmadaas.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Afgooye ee uu saameeyay fataahada wabiga ay gurmad eg deg ah ay u baahan yhiin ,sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabo looga hortagayo fatahaado horleh.