Madaxweyne Deni oo la kulmay Ururada Bulshada puntland.Daawo Sawiro

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay  kulan la qaatay Ururada Bulshada, xubno ka tirsan  Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo qaar ka ka mid ah Waxgaradka Puntland.

Madaxweynaha  puntland  ayaa Ururada Bulshada, waxgaradka iyo madaxda Urur Siyaasadeedka puntland  uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan .

Sidoo kale Madaxweynaha  puntland ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb3  iyo Dhuusamareeb 2  kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha  puntlanad  ayaa dhageystay fikradaha iyo talo soo jeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com