Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Galmudug

Madaxweynaha  maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gelinkii dambe ee shalay Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare loogu magacaabay inuu nuqodo Cabdullaahi Maxamuud Gacal.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Cabdullaahi Gacal lagu dhaariyay gudaha Xarunta Madaxtooyada Maamulka.

“Waxaa madaxweynaha Galmudug uu magacaabay, isla markaana lagu dhaariyey madaxtooyada guddoomiyaha Maxkamadda sare ee  Galmudug Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka ka mid ahaa. Galmudug waxaa u buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa dhawaan iska casilay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle,waxaana uu muddo dheer ka soo shaqeeynayay maxkamadaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com