24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 23, 2024
Home Wararka Afrika Diyaarad ka timid Imaaraadka oo laga celiyey Hargeysa iyo go’aankii DF oo...

Diyaarad ka timid Imaaraadka oo laga celiyey Hargeysa iyo go’aankii DF oo dhaqan galay

Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday.

Sida wararku ay sheegayaan Hay’adda duulista rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa shirkadda Flydubia ku wargelisay in diyaaradeedu aysan ka dagi karin magaalada Hargeysa, iyadoo la fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ka hortaga faafitaanka cudurka Corona.

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ee ah Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka  Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda ee Isniintii la soo dhaafay.

Wasaaradda gaadiidka ayaa shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo illaa 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada ee dalka