Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo saacadihii la soo dhaafay Hawlgal ka sameeyay Magaalada Muqdisho

Magaalada muqdisho oo ah Caasimada dalka waxaa ka dhacay Saacadihii lasoo dhaafay Howlgalo kala duwan oo lagu Xaqiijinayo Amniga Magaalada muqdisho.

Waxaa Baadhitaan kala duwan lagu samaynayey Gaadiidka kala duwan ee dad waynaha.

Laamaha Amniga Dawlada Federaalka  ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Fashiliyaan dhagarta Cadowga, islamarkaana ay Amniga xaqiijin doonaan

Howlgalka ay samaynayaan Ciidamada Booliskadawlada Federaalka Soomaaliya  ayaa kusoo aadaya iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen Weeraro khasaare geystay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com