Qaraxyo saakay aroor hore ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay aroortii hore abaaro 4:45 Daqiiqo dhoor qarax oo miino ah ka dhaceen Laamiga Maka Al mukamarama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada kadib dhacay rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxyada oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray qaar kamid ah baalayaasha Kaamirooyinka loo yaqaan CCTV ee lagu dhajinayo wadooyinka Caasimada.

Qaraxyada ayaa hal mar wada dhacay, waxaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas kooban ay rideen ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo ka agdhawaa aaga ay ka dhaceen qaraxyada.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadan, waxaana qaraxyada aad uga argagaxay shacabka magaalada Muqdisho oo inta badan hurdo ku jiray.

Bilooyin kahor ayey aheyd markii sidan oo kale qaraxyo miino loogu xiray qaar kamid ah baalayaasha Kaamirooyinka CCTV oo dowlada ugu tagashay in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka magaalada gaar ahaan wadooyinka mashquulka badan.