Muuse Biixi oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo uu xil ka qaadis iyo magacaabid ugu sameeyey mas’uuliyiin ka mid ah xukuumada Somaliland.

Waxuu xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool Saleebeen Diiriye Cabdi, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa Wakiilka Somalailand ee Kenya u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com