Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho,Qarax xoogan ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan milatariga dowlada Federaalka kuwaasi oo marayay inta u dhaxeysa Isgoyska xoosh iyo Ex-Control.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan,kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

ilaa laba askari oo ka tirsanaa kuwa qaraxa lala eegtay ayaa ku geeriyooday halka qaar kale uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Ma jiraan war ka soo baxay laamaha amaanka oo ay kaga hadleen qaraxa saaka ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Waraka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com.