Xisbiga Wadajir oo soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Party, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Shirkii Wada-tashiga ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyada ee xalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Dhuusamareeb.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu waxa uu ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago sidii uu ku guuleysan lahaa Wejiga 3-aad ee Shirkaasi oo bisha soo socota 15-da ka furmi doona Dhuusamareeb.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay inay taageeraan Heshiiska Madaxda Soomaalida, si loo xaqiijiyo inay Somalia ka dhacdo Doorasho Nabadeed oo xilligeeda ku qabsoonta.

Halkan ka akhriso Qoraalka uu Cabdi raxmaan Cabdi shakuur soo dhigay Bartiisa:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com