Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Galmudug.

Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu  sheegay Guddiga Doorashada Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Musharixiinta Galmudug ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaabka ay dowladda u wado doorashada madaxweynaha iyo ku xigeeenka Maamulkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho

Info@aragticusub.com