Tahriibayaal Ay Soomaali ku Jirto Oo Lasoo Bad-baadiyay

Liibiya: Tahriibayaal kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa laga soo badbaadiyay Badda Madetereanina-ka ee u dhexeeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kadib markii uu soo samata bixiyay Markab kuwa gurmadka ah .

dadkaan lasso bad baadiyay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay gaareyso 184 Ruux, kuwaa oo isugu jira Rag iyo Dumar ayna kamid yihiih Caruur yar yar oo aan waalidkood la socon, waxaana la soo badbaadiyay iyagoo  ku socdaalayay biyaha badda Madetereanina-ka.

Dowladdaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa dalbaday in Tahriibayaasha laga soo badbaadiyay Badda Madetereanina-ka dib loogu soo celiyo Magaalada Tripoli, hayeeshee waxaa arrintaas diiday Ocean Viking oo ay maamusho hay’adda MSF.

 

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com