24.6 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika Akhriso:- Liiska Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu dhawaaqay iyo Siyaasiyiin caan ah...

Akhriso:- Liiska Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu dhawaaqay iyo Siyaasiyiin caan ah oo kasoo muuqday

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay Liiska golihiisa Wasiirada cusub oo sida la saadaalinayay ay kasoo muuqan doonaan siyaasiyiin waaweyn.

Liiska golaha Wasiirada ee uu ku dhawaaqay Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka kooban 23-wasiir waxaana ku jira xildhibaano ka tirsan baarlamaanka fedraalka Soomaaliya.

Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka amniga gudaha,iyo Saabir Nuur Shuuriye oo isna loo magacaabay Wasiirka Dekadaha Galmudug.

Muddooyinkii dambe ayaa aad loo hadal hayay arrintaan haseyeeshee waxaa xusid mudan in Dastuurka KMG ee Soomaaliya uusan qeexeyn in Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqon karin golayaasha kala duwan ee maamul gobaleedyada gaar ahaana qabashada xilalka wasiirada maamulada iyada oo heer fedraal ah.

Halkaan Ka Akhriso Liiska