Qof kii ugu horreeyay oo lagu tijaabiyay tallaalka fayraska Covid-19

Qof kii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyay tallaalka fayraska Covid-19 ayaa ka bilowday Oxford.

laba qof oo mutadawiciin ah ayaa lagu duray tallaalka, waa tijaabadii ugu horreeysay taasi oo lagu tijaabin doono 800 oo qof.

400 oo ka mid ah dadkaasi ayaa lagu tijaabin doonaa tallaalka Covdi-19, halka 400 ee kalana lagu duri doono tallaalka ka hortagga meningitis.

Dadka lagu tijaabinayo ayaanan ogeyn nooca tallaalka lagu durayo balse dhakhaatiirta ayaa og.

Elisa Granato, oo ah mid ka ah labada qof ee lagu tijaabiyay tallaalka ayaa BBC-da u sheegay: ”Aniga seeynisyahan ma ihi, sidaa darteed waxaan rabaa inaan geeddi socodka tallaalka Covid-19 gacan ka geysto.”

Tallaalka waxaa 3 bilood ka hor bilaabay koox ka socota Jaamacadda Oxford. Sarah Gilbert oo hogaamineysa barnaamijka ayaa sheegtay: ”Aniga shakhsiyan aad ayaan ugu kalsoonahay tallaalka”