Madaxweyne Deni oo ku laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Galmudug.

Madaxweyne Deni oo todobaad ka hor Dhuusamareeb kaga qayb-galay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uu markii Shirkaas soo xirmay dib ugu  laabtay Garoowe, si uu uga qayb-galo Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo  Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xassan Abshir Faarax.

Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa ka  furmayoshirka  Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaa Halkaasi ku sugan Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali kheyre sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda dawlad goboleedyada Dalka iyada oo la filayo in Beri Halkaas uu gaaro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar maxamuud Maxamed Cumar Finish si uu kaga qayb galo shirkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com