Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku soo xirmay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimihii Shirka looga wada hadlay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo uu tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka Doorshaada loo dhanyahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka Dalka.

Mudane Farmaajo  ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka Degaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.