Dhageyso:Madaxweyne Deni oo sheegay in la xaliyay khilaafka Dawlada Federaalka kiyo Dawlad goboleedyada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Xalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ugu soo gabagaboobay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Shirkaasi lagu dhammeeyay Khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirka si loo dhammeeyo Khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo dhammaan dhinacyadu heshiis ku wada yihiin islamarkaana si xor iyo xalaal ah u dhacda.