Fahad Yaasiin oo rabo in Ali Guudlawe oo kadhigo Madaxweynaha Hiirshabelle

 

Iyadoo afartii sano ee loo asteeyay Maamulka Hiirshabelle ay ka hartai wax kayar bil ayaa waxaa isi sootahay siyaasiyiin iyo musharaxiin iskudiyaarinayo qabashada xilka madaxnimo ee maamulkaasi.

Shabakada Aragticusub oo lahadashay qaar katorsan dadka u hanqaltaagayo qabashada xilka M/weeynaha  ayaa ogatay in Madaxweeyna ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Ali Guudlawe oo u sharaxanyahay xilkaasi.

Dadka Siyaasada falanqeeyo ayaa ku kala aragti duwan qaabka ay suurtagal utahay in Ali Guudlawe oo isku sootaago xilkaasi iyadoo la ogyahay dhibkii lagamaran dhisida labada gobol ee Hiraan iyo Shabellada dhexe.

Shakiga ugu weeyn oo ay qabaan dadka rer hirshabelle ayaa ah Ciidamada tirada badan ee lageeyay Caasimada Hirshabelle ee jowhar waxeey tusaale cad u tahay sida ay ugu lugledahay dhowlada dhexe ee Soomaaliya

Hirshabelle oo gudi farsamo dhawaan magacaawday ayeey xildhibaanada qaar ku tilmaameen mid uu gacantiisa ku sooxushay Ali Guudlaawe  taasina ay tahay mid hareer marsan dastuurka maamulka hirshabelle .

Sikastaba Hirshabelle ayaa iminka foolaneeyso walow aan la ogeeyn cida kusoobixidoonto maamulka shacabkiisu majaacada ku noolyihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com