Alshabaab oo sheegatay dilka Nabadoon Abdirisaq Shabeel.

Muqdisho,Ururka Alshabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Nabadoon xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Nabadoonkaan oo lagu magacaabi jiray Abdirisaq shabeel ayay Ururka Alshabaab ku shheegeen in uu la shaqeyn jiray Sirdoonka Mareykanka.

War ka soo baxay Ururka ayay ku sheegeen in Nabadoonka ka dambeeyay culimo badan oo loo gacan galiyay Mareykanka waagii ay joogeen Hogaamiye kooxeedyada.

Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Sheebal oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

lama oga sax ahaanta warkaan Alshabaab ka  soo baxay balse dhaqamada Alshabaab ayaa ah in gaalnimo ku sifeeyaan ama jaajuusiin cid walba oo iyaga ka fikir duwan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com