Daawo Sawirada : Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Ereteriya

Asmara : Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara halkaas oo uu wadahadallo saddex-geesood ah kula yeelanayo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu fur furnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

 

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho

Info@aragticusub.com