Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb

Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha  Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulan ayaa labada dhinac  ay ku yeesheen madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli  khilaafka  uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa murunka  ka jira doorashada .

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda deegaanada Galmudug sida amniga iyo iyo taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso Galmudug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com